Wareegii 1-aad ee doorashada oo la soo afjaray iyo tirinta codadka oo la bilaabaayo

08 February 2017

Waxaa goor dhow la soo gaba gabeeyay wareegii 1-aad doorashada madaxtinimada dalka, ee maanta ka soconeysa Magaalada Muqdisho.

328 xubnood oo ka kala tirsan Xildhibaanada Labada Aqal oo ku sugan goobta doorashada, ayaa waxay soo gaba gabeeyen bixinta codadkooda, wareegii 1-aad.

C/raxmaan Ducaale Bayle, Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Madaxweynaha, ayaa waxaa uu ku dhawaaqay in wareegii 1-aad ee doorashada uu u soo idlaaday, hadana ay bilaabayan tirinta codadka.

Gudoomiyaha Guddiga Doorashada, ayaa wuxuu sheegay in tirinta codadka ku kala ogaan doonaan codadka uu helay musharax kasta.

21 musharax, ayaa u tartamaya jegada madaxtinimada dalka.

Comments