Qaramada Midoobay oo ka digay suurtagalnimada xasuuq ka dhaca Koonfurta Sudan

10 February 2017

Taliyaha Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee ka hortagga xasuuqa, Adama Dieng, ayaa walaac ka muujiyay heerka rabshadaha sii socda ee dhowr ka mid ah deegaanada Koonfurta Sudan.

Dieng ayaa sheegay in Madaxweyne Salva Kiir uu balanqaaday dadaal lagu soo afjarayo rabshadaha iyo soo celinta nabada, balse weli waxaa jiraan dagaallo joogto ah, isagoo intaa ku daray in halista in xasuuqa ba'an uu ahaan doonaa weligeed mid joogta ah.

Sida laga soo xigtay Qaramada Midoobay in ka badan 52,000 oo qof ayaa ka cararay dagaalada ka socda qowmiyadaha Koonfurta Sudan oo u qaxay dalka deriska la ah ee Uganda.

Dieng ayaa ku sheegay hadal Talaadadii in tirada keliya ay tahay bisha January isagoo carabka ku adkeeyay inuu aad uga walaacsanyahay xaaladda keeni kartaa xasuuqa ba'an.

Sida laga soo xigtay bayaanka, qaxootiga soo galaya Uganda inta badan ayaa ka yimaadeen qaybaha koonfureed ee South Sudan, oo ay ku jiraan magaalooyinka Kajo-Keji iyo Lainya

Comments