Musharax Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo ka tanaasulay jegada madaxtinimada dalka

08 February 2017

Sida uu ku dhawaaqay Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Gudoomiyaha Golaha Shacabka waxaa musharaxnimadiisii ka tanaasulay Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi.

Jawaari, ayaa wuxuu sheegay in lagu soo wargeliyay in uu musharaxnimada ka tanaasulay Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi.

Talaadadii shalay, ayay ahayd markii C/raxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud (Faroole), uu si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu ka tanaasulay musharaxnimadiisii.

Bilowgii toddobaadkaana waxaa tanaasulay musharax madaxweyne, C/laahi Cali Xasan, waxaadna mooddaa in ay soo kordhayan musharaxiinta tanaasulka samaynaysa.

Comments