Ahlu Sunna oo sheegtay inay rajeynayaan wax wanaagsan inuu la yimaado Madaxweynaha cusub ee dalka loo doortay

09 February 2017

Sheekh Cumar Sheekh Cabduqaadir oo ah Guddoomiyaha guddiga talada Ahlu-Sunnah ayaa soo dhaweeyay doorashada Madaxweyne Farmaajo ee maalinimadii shalay lagu doortay magaalada Muqdisho.

 “Madaxweynaha waan soo dhaweynayaa, waxaan u arkaa rajo fiican oo ummadda u soo hoyatay baan u arkaa, dadkii hore ee howsha wax ka hayay inaan wax ka sheegaayo maahan, laakiin Doorashada Farmaajo aad iyo aad ayaan ugu arkaa iney tahay wax ummadda Soomaaliyeed rajo u buuraysa”.

Waxa uu ka hadlay waxa ay ummadda Somaaliyeed ka fili karaan madaxweynaha cusub, isagoo yiri:

“Maxamed Cabdullaahi Farmaajo mar waakii muddo yar oo gaaban ra’isul wasaare noqday, waxa uu ka kasbada shacabka Somaliyeed kalsooni faro badan oo ah midda maanta u suurtogelisay in uu maanta doorashada ku guuleysto, fursado badnna ayuu haystaa, nin kaligiisna waxba ma qabtee ummadda Soomaaliyeed haddii ay wax la qabtaan oo ay taageeraan ayuu guuleysan karaa, dalka ammaankiisa, siyaasaddiisa iyo dhaqaalihiisa in intaba wax laga qabto oo aad u layacan ayaa fursadaha ii muuqdaa uu yahay ee maanta laga sugayo”.

Waxa uu rajo fiican ka muujiyay in is faham wanaagsan uu dhex mari karo Ahlu-sunnah iyo dowladda federaalka Soomaaliya:

“Waxaan filayaa wixii la kala tabanayay oo dhan iney wax ka qabtaan oo ay hagaajiyaan rajadaas unbaan qabnaa oo rajadu sidii hore ka fiicnaato”.

Comments