Rasaas dabaal deg ah iyo Banaanbax weli ka socda Muqdisho

09 February 2017

Boqolaal qof ayaa isugu soo baxay fagaaraha weyn ee daljirka daahsoon ee ku yaallo Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir, waxayna ka qaybgalayaan Banaanbaxa lagu soo dhaweynaayo guusha Madaxweynaha cusub ee dalka.

Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo, ayaa haysta taageerada shacabka Somaliyed, islamarkaana wuxuu noqday Madaxweynihii ugu horeeyay ee si siman Bulshada ay u wada taageeraan.

Ciidamada kala duwan ee Dowladda ayaa ridaya rasaas ay ku muujinayaan sida ay u arkaan guusha Farmaajo, waxaana tan iyo xalay rasaastaan laga maqlaayay Magaalada Muqdisho oo idil.

Dhacdooyinka la yaabka leh ayaa waxaa ka mid ah in ciidamada ammaanka qoryaha ay u ogolaanayaan dadka shacabka ah inay ridaan, iyaga oo aanan u wada dhiibeyn, balse ogolaanaya in meesha laga rido ay gacanta geliyaan shacabka rasaastana ay kor u ridaan.

Comments