Xasan Sheekh, Farmaajo, Shariif Sheekh Axmed iyo Cumar C/rashiid oo u soo gudbay wareega 2-aad

Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa ku dhawaaqay in musharaxiintan ay u soo gudbeen wareega 2-aad ee doorashada.

Ka dib markii la soo gaba gabeeyay tirinta codadkii ay Xildhibaanadu dhiibteen wareegii 1-aad, ayaa waxaa hogaaminayay Xasan Sheekh Maxamuud oo helay 88 cod. Farmaajo oo ku soo xigay ayaa helay 72 cod, Shariif Sheekh Axmed oo ku soo xigayna wuxuu helay 49 cod, halka Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo noqday musharaxii 4-aad ee ugu codka badnaa, uu helay 37 cod.

Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa waxaa uu hadda ku dhawaaqay in 20 daqiiqo ka dib, ay guda geli doonaan doorashada wareega 2-aad.

Musharaxii helaa saddex meelood laba ka mid ah codadka Xildhibaanada, waxaa weeye madaxweynaha afarta sano ee soo socota.

Faallooyin