Saraakiil Kenyan ah oo booqday Darbiga Kenya ay ka dhiseyso xuduuda (SAWIRRO)

Saraakiil Kenyan ah ayaa booqday dhismaha darbiga Kenya ay ka wado xadka u dhaxeeya dalalka Somaliya Iyo Kenya.

Kenya ayaa waxa ay kaga gol leedahay darbigaan in dadka Somalida ah ee soo galaya dalkeeda ay la socoto dhaq-dhaqaaqooda, maadaama weerarada Shabaab dalkaasi ay ka geystaan ay noqdeen kuwa aanan xad laheyn.

Darbiga ayaa la dhameystiray qayb ahaan,waxaana lagu xiray silig danabeysan iyada oo sidoo kale lagu dhajiyay digniino muujinaya in siliggu koronto ku xiran tahay, qofkii taabtana uu ku geeriyoonayo.

Joseph Boinnet, oo ah Taliyaha Booliska Kenya ayaa difaacay go’aanka Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ee dhismaha darbiga Somaliya iyo Kenya.

Waxa uu sheegay in aysan jirin wax qalad ah oo ka dhexjira Kenya iyo Somaliya dhismaha darbigana ay keentay un amni darrada ka jirta xadka.

Kenya waxaa ay ku doodeysaa in Al-Shabaab ay ka soo duulaan tagaan gudaha Somaliya si ay weerarro uga geystaan gudaha. 

Faallooyin