Uganda oo dooneysa in dib u eegis lagu sameeyo qarashka ku baxa howlgalka Amisom

06 February 2017

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Uganda, Sam Kutesa ayaa hadalkaasi ku sheegay mar  uu Suxufiyiinta kula hadlay Xarunta Warbaahinta oo uu ku faafiyey go’aanadii ka soo baxay Shirweynihii 28-aad ee Hoggaamiyayaasha Dowladaha Afrika dhawaan ku yeesheen Caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Ababa. 

“Waxa aan doonayno ayaa ah in Qaaraanka Tabarucaadda asaas looga dhigo dib-u-eegis lagu sameeyo Ciiddanka dalalka xubnaha ka ah Hawlgalka Amisom.” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Uganda.

Dowladda Uganda waxay ciidamo u soo dirtay Somaliya sannadkii 2007-dii, kuwaasi oo haatan ah mid ka mid ah Ciiddanka Nabad-ilaalinta ee ugu tirada badan ee joogta Somaliya, kuwaasi oo tiradoodu dhan tahay 6,000 oo Askari.

Hawlgalkaasi waxaa maalgeliyay Midowga Europe iyo QM oo kharajka ku kala badan.

EU-da waxay dhawaan sheegeen qorshe ay dib ugu eegayaan Taageeradda ay siiyaan Taliska Amisom, iyo inay 20%  dhimi doonaan Mushaaraadka la siiyo Ciiddanka Hawlgalka Amisom.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Uganda, Sam Kutesa waxa uu farta ku fiiqay inay weli socdaan Wada-xaajoodka ku aadan codsigaasi, iyadoo Siyaasad-Fuliyayaasha Afrika kulankooda ku soo qaadeen codsi hore oo ku aadan in dal kasta oo xubin ka ah Midowga Afrika ku tallaabsado Maalgelinta Hawlgalladda Midowga Afrika ee ay QM, EU-da ama Maraykanka inta badan qaadaan Mas’uuliyadda.

Comments