Wadooyinka Muqdisho oo xiran iyo dadka oo lugeynaya (SAWIRRO)

Magaalada Muqdisho waxaa maanta u billowday Bandow labo maalomood ah kaas oo inta badan hakad lagu geliyay dhaq dhaqaaqii dadka Magaalada. 

Waddoooyinka mara gudaha magaalada ayaa inta badan la xiray,waxaana aad u yar aad aragto dad soconaya,waxaana inta badan Waddooyinka gudaha magaalada lagu xiray dhagxaan, ciid loo ekeeysiiyay Buuro,halka meelaha qaarna ay Askar joogaan,waxaana Waddooyinka dhaq dhaqaaqooda hakadka ku jiro ka mid ah;21-ka October. 

Wadada Maka A-Mukarama, ayaa loo ogol yahay dadka inay si lug ah ku maraan, halka sidoo kale wadada wadnahana la ogol yahay inay maraan dadka shacabka ah si lug ah. 

Nawaaxiga Xerada Afisiyooni guud ahaan lama ogala wax shacab ah inay halkaasi maraan, waxaana diidaya ciidamada ammaanka sugaya ee dowladda. 

Guud ahaan Magaalada Muqdisho, ayaa laga dareemayaa in uu dhaqan galay bandowga dowladda ay soo rogtay, maadaama gaadiid uusanba shaqeynayn.

Faallooyin