Jubbaland oo sheegtay Afarta ruux ee Shabaab Jamaame ku dileen inay ahaayeen dad shacab ah

06 February 2017

Maamulka Jubbaland ayaa markii ku horeysay ka hadlay Afar ruux oo ay Al-shabaab ku toogteen Degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose kuna sheegeen inay basaasiin u ahaayeen Dowladda Federaalka,Mareykanka iyo Dowlada Kenya waxa ay saraakiisha Jubbaland sheegeen in Dadkaasi  ahaayeen Shacab ku noolaa Degmada Jamaame oo an waxba Galabsan.

Afhayeenka Hay’adaha ammaanka Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Maxamuud Sayid Carab, ayaa sheegay dadkaasi ay dileen Shabaab inay ahaayeen Shacab, balse Shabaab ay been ka sheegeen.

Al-shabaab ayaa shalay Degmada Jamaame ku dilay Afar ruux oo ay magacyadooda ku sheegeen.

1- Siyaad Cali Cabdi oo 26  jir ah, oo ay ku eedeeyeen  inuu la shaqeynayay Mareykanka.

2- Axmed Ibraahim oo 28 jir ah kuna eedeeyeen inuu la shaqeynayay Dowladda Kenya.

3- Yuusuf Makaraan Maxamed oo 58 jir ah kuna eedeeyeen  inuu ula shaqeyn jiray Mareykanka .

4- Cabdullaahi Cumar Xasan oo 26 jir ah kuna eedeeyeen inuu ubasaasi jiray dowladda Federaalka Soomaaliya.

Comments