Madaxweynaha Puntland oo galabta gaaray Magaalada Muqdisho 2 (Daawo Sawirada)

05 February 2017

Madaxweynaha Maamulka Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas, ayaa gelinkii dambe ee maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho, iyadoona si diiran loogu soo dhaweeyay Garoonka Aadan Cadde.

Madaxweynaha Puntland, ayaa waxaa safarkan ku wehlinaayay masuuliyiin uu ugu sareeyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland, Axmed Cali Xaashi.

C/weli Gaas oo la hadlay Warbaahinta, ayaa sheegay in safarkoodan uu ku salka ku hayo doorashada maalinta Arbacada ee ina soo aadan lagu wado in ay ka qabsoomto Caasimadda Muqdisho.

C/weli Gaas, ayaa yiri ‘’Maanta aniga iyo wefdi ballaaran oo aan hogaaminayo, uuna ka mid yahay Gudomiyaha Baarlamaanka Puntland waxaan soo gaarnay Magaalada Muqdisho, oo dhowaan ay ka dhici doonto doorashadii Madaxweynaha Somaliya."

"Dabcan Puntland waa qayb muhiima oo ka midda Dowladda Faderaalka, waxayna rabtaa inay wax ka ogaato is bedelka ka dhici doona dalka, waxaa ku xiran masiirkeeda, waxaa ku xiran horumarkeeda, waxaa ku xiran wada jirkeeda iyo midnimada Soomaaliyeed, markaa inaanu ogaano, kor joogtayno, ka war qabno waxa ka soo baxaya geba gebada doorashada waa mid muhiima."

Comments