Golaha Wasiirada oo kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)

11 February 2017

Waxaa shir aan caadi ahayn isugu yimid Golaha Wasiirrada Soomaaliya. Shirka waxaa guddoominayay Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Wadanka Maxamed Cumar Carte. Goluhu wuxuu hoosta ka xariiqay inay maanta ku beegan tahay sanad guuradii 2-aad markii la dhaariyey sanadkii 2015-tii.

Golaha Wasiirrada wuxuu bogaadinayaa dhammeystirka hannaanka doorashooyinka ee soo socday bilihii la soo dhaafay, kuwaas oo kusoo dhammaaday doorashadii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo).

Goluhu wuxuu u mahad celinayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed, sidii ay uga qayb qaateen hannaankaas. Wuxuu si gaar ah ugu mahad celinayaa masuuliyiintii kasoo shaqeysay hannaanka doorashada, gaar ahaan hoggaanka dhaqanka, ergooyinkii iyo guddiyadii heer federal iyo heer dowlad-goboleed iyo hey’adaha amniga. Goluhu wuxuu kaloo u mahad celinayaa taageeradii ballaarneyd ee ay beesha caalamku u fidisay hannaanka doorashooyinka Soomaaliya.

Goluhu wuxuu u hambalyeynayaa Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka, xildhibaannada iyo guddiyadoodii doorashada ee sida habsamida leh usoo dhammeystiray doorashadii Madaxweynaha, taas oo ay u riyaaqeen dhammaan shacabka Soomaaliyeed.

Goluhu wuxuu u mahad celinayaa Madaxweynihii hore, Mudane Xasan Sheikh Maxamud iyo Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid. Wuxuu kaloo u mahad celinaya Madashii Qaranka oo kaalin mug leh ku laheyd hannaanka doorashooyinka.

Goluhu wuxuu u hambalyeynayaa Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Mudane Maxa’ed C/llahi Farmaajo, wuxuuna u rajeynayaa guul.
Xubnaha Golaha Wasiirrada waxay diyaar u yihiin inay si habsami leh xilka ugu wareejiyaan golaha cusub ee beddeli doona.

Ugu dambeen Goluhu wuxuu ugu baaqayaa dhammaan shaqaalaha rayidka ah ee dowladda iyo diblomaasiyiinta iyo ciidammada inay dib ugu noqdaan howl-maalmeedkoodii caadiga aheyd, si loo dardar galiyo howlaha culus ee horyaalla Madaxweynaha iyo xukuumadda cusub.

Comments