Xoogsatadii hore Dakadda Muqdisho oo dhigay Banaanbax cabasho ah

14 February 2017

Boqolaal xoogsato ka xamaalan jiray Dakadda weyn ee Muqdisho ayaa saakay waxa ay banaanbax cabasha ah ka hor dhigeen Dakadaasi waxaana ay ka cabanayeen shirkadda Al-Bayrak oo iyadu gacanta ku heysa shaqada Dakadda Muqdisho taasi oo laga leeyahay dalka Turkiga.

Boqolaal ka mid ahaa muruq maalka Dakadda ayaa ka qeyb galaayay dibadbaxa waxaana ay ka sheeganayeen Shirkadda Al-bayrak ee la wareegtay howlahii dekedda,waxaana warbaahintu ay u sheegeen xoogsatadu inay saameyn ku yeelatay shaqadoodi Al-bayarak islamarkaana eysan maanta heysan shaqo kale oo ay ka raadsadaan nolol maalmeedkooda.

Madaxweynaha cusub ee Somaliya ayaa waxa ay ka dalbadeen Xoogsatada inuu ka shaqeeyo sidii loo soo celin lahaa kaalintii Xoogsatada ay ku lahaayeen Dekadda Muqdisho.

Muddo ayeey sheegeen Xoogsatada Dakadda Muqdisho inaysan shaqeysan islamarkaana hada ay u baahan yihiin in loo soo celiyo shaqooyinkii ay ku tiirsanaan jireen.

Comments