Madaxweyne Farmaajo oo maanta kormeer ku tagey Xarunta Madaxtooyada Somaliya (SAWIRRO)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), ayaa wuxuu maanta uu kormeer ku tagey Xarunta Madaxtooyada Somaliya ee Magaalada Muqdisho.

Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynihii hore ee Somaliya, ayaa duhurnimadii maanta Qasriga Madaxtooyada ee Villa Somalia ku soo dhaweeyay Madaxweynaha cusub ee la doortay.

Labada masuul, ayaa kulan albaabada u laabnaa ku yeeshay Xarunta Madaxtooyada, iyadoo aan la garanayn waxyaabihii ay ka wada hadleen.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa kulankaasi ka dib waxaa uu kulan kale uu la qaatay shaqaalaha ka hawlgala Villa Somalia.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa waxaa maalmaha ina soo aadan lagu wadaa in si rasmi ah uu ula wareego Xafiiska Madaxtooyada.

Faallooyin