Meydka Madaxweynihii hore ee Puntland Cadde Muuse oo Boosaaso laga dejiyay (SAWIRRO)

Amniga Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa aad loo adkeeyay saaka waxaana waddooyinka muhiimka ah lagu arkayaa ciidamo gaar ah oo baaritaan ka sameynaya Xaafadaha ka agdhow Waddooyinka muhiimka ah ee Magaalada. 

Magaalada waxaa ka socda qaban qaabada Aaska Madaxweynihii hore ee Puntland Cadde Muuse Xirsi oo Arbacadii hore ku geeriyooday Dalka Imaaraadka Carabta. 

Madaxweynaha Puntland ayaa ku sugan Magaalada Boosaaso, iyadoo la soo dejiyay meydka Madaxweynihii hore ee Puntland Cadde Muuse Xersi.  

Sidoo kale madax ka socota Dowladda Federaalka ah ayaa la filayaa in ay tagaan magaalada Boosaaso si ay uga qeyb galaan Aaska Cadde Muuse Xirsi. 

Waxaa sidoo kale Magaalada gaaray Odayaal dhaqameed iyo Salaaddiin ka kala socda Beelaha Soomaalida oo ka tacsiyadeynaya geerida Jeneraal Cadde Muuse. 

Faallooyin