Banaanbax lagu taageeraayo Madaxweynaha cusub oo Muqdisho ka socda

11 February 2017

Dibadbax lagu taageerayo madaXweynaha cusub ee Somaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa goor dhow ka bilowday magaalada Muqdisho.

Waxaa dibadbaxan soo qabanqaabiyey maamulka Gobolka Banaadir, waxaana ka qeybgalaya mas’uuliyiin ka tirsan maamulkaasi iyo shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho.

Dadka ayaa isugu yimid Taalada Daljirka Daahsoon ee Muqdisho, waxaana ay wataan boorar ay kusoo xardheen sawirada Madaxweyne Farmaajo iyo sidoo kale erayo ay ku muujinayaan taageerada ay u hayaan.

Aminga magaalada Muqdisho ayaa ah mid aad loo adkeeyey, iyadoo dibadbaxani uu daba socdo dibadbaxyo tan iyo 8-dii bishan ka dhacay qeybo kamid ah gobollada dalka, laguna taageerayey madaxweyne Farmaajo.

Comments