Madaxweynaha Koonfur Afrika oo balan qaaday xiriir dhaw oo wada shaqeyn ah inuu la yeelanaayo Farmaajo

Madaxweynaha Waddanka Koonfur Afrika Jacob Zuma ayaa u hambaleeyay Madaxweynaha cusub ee Somaliya,waxaana uu ballan qaaday in dowladdiisu ay si dhow ula shaqeyn doonto Madaxweynaha la doortay ee Somaliya. 

War ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Koonfur Afrika ayaa lagu sheegay in Dowladda Koofur Afrika ay u hambalyeyneyso  Madaxweynaha cusub ee Somaliya Maxamed C/llahi Farmaajo iyo dhamaan shacabka Somaliyed. 

Hadalka oo Wasaaradda arrimaha dibadda uu u wakiishay Madaxweyne Zuma ayaa lagu sheegay sidoo kale in Koonfur Afrika la dhac san tahay habka caddaaladda ku saleysan ee ay u dhacday doorashadii Arbacadii ka dhacday Muqdisho. 

Zuma waxa uu sheegay in uu si dhaw ula shaqeynayo Madaxweynaha Somaliya,si loo horumariyo xiriirka saaxiibtnimo ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo koofur Afrika.

Comments