Sharciga dhulbalaarsiga Israil 'oo ogolaanaya xatooyo, halisna ku ah geeddi-socodka nabadda' ee labada dal".

08 February 2017

Sharciga dhul balaarsiga dalka Israel oo ay ku baneesanayaan inay kumanaan guryaha sharci darada ah ka dhisaan dhulka ay xooga ku haystaan ee Daanta Galbeed West Bank ayaa ah xatooyo iyo ku xadgud sharciga caalamiga ah iyo in ay soo dhamaato rajada laga qabay in xal loo helo labada-Gobol, sida ay qabaan siyaasiyiinta, khubarada sharciga iyo kooxaha xuquuqda aadanaha.

Waxa loogu yeero "Billka sharciga" ayaa si deg-deg ah loo cambaareeyay ka dib markii ay u codeeyeen xubnaha baarlamaanka Knesset gelinkii dambe ee Isniintii ee 60 ilaa 52 aqlabiyadda.

Sharcigu wuxuu khuseeyaa oo ku saabsanyahay in 4,000 oo degsiimooyinka sharci darada ah laga dhiso Daanta Galbeed kaas oo siinaya degayaasha xaqiijin Jaahilayad ah inay ka dhisan karaan guryo dhulka Falastiiniyiinta ee gaarka loo leeyahay islamarkaana ay dhiirigelin ka helayaan dawlada Israel inay sidaa sameeyaan.

Saddex ka mid ah hay'adaha aan dawliga ahayn NGOs ee Israeli - Peace Now, Yesh Din iyo Ururka Xuquuqda Madaniga ah ee Israa'iil - iyo Falastiiniyiinta ayaa sheegay inay ku talo jiraan inay racfaan ka qaatan oo ay codsiga dacwadooda u gudbiyaan Maxkamadda Sare si ay u joojiso sharciga.

Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ku sheegay hadal qoraal ah talaadadii: "in sharciga uu lid ku yahay sharciga caalamiga islamarkaana uu yeelan doonaa cawaaqib sharciyeed ee Israa'iil."

Madaxa siyaasadda arrimaha dibadda Midowga Yurub Federica Mogherini ayaa ku sheegtay hadal inay"kasoo horjeedo sharciga islamarkaana ku baaqday in la joojiyo hirgelintiisa "si looga fogaado tallaabooyin dheeraad ah oo ay ku sii kordhinayaan xiisadaha isla markaana khatar ku ah rajada xal nabadeed oo isku badasha colaadda labada dal".

Comments