Erdogan oo ku baaqay in dalka ay u codeeyaan madaxtooyada xoogan

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa dalkiisa ugu baaqay in ay codeeyaan isaga guushiisa isagoo doonaya inuu sii adkeeyo awoodaha madaxweynaha, islamarkaana sheegay in hadii lagu guuldaraysto in sidaas la sameeyo ay sii xoogaysan doonaan kooxaha isku dayaya in ay dalka kala qaybiyaan.

Erdogan ayaa sheegay in uu hadda qiimeeynayo sharciga dib u habaynta dastuurka ee loogu talagalay habka iyo awoodaha madaxweynaha dalka.

Bishii la soo dhaafay, baarlamaanka Turkishka ayaa waxa ay u codeeyeen biilka dibuhabaynta oo ka saaraysa nidaamka baarlamaanka hadda jira ee dalka, taasoo u ogolaatay in uu xilka hayo Erdogan laba jeer oo min shan sano ah xafiiska, taasoo la micno ah in laga yaabaa in uu quwada dalkaasi Turkiga sii hayaa ilaa 2029.

Kadib ansixinta madaxweynaha , biilka ayaa loo qaadi doonaa afti, taas oo laga yaabaa in ay qaadan doonto ilaa bisha April

Faallooyin