Jabuuti oo sheegeen in ay taageereen musharaxnimada Amina ee Midowga Afrika

08 February 2017

Dawlada Jabuuti ayaa sheegay in ay taageertay musharaxnimada Xoghayaha Golaha Arrimaha Dibadda Kenya Amina Mohamed ee jagada guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (AUC), inkastoo dalka Jabuuti uu doonayo jagada gudoomiye ku xigeenka Midowga Afrika.

Maryan Ahmed Goomane, Safiirka Jabuuti u jooga Kenya, ayaa u sheegtay wargayska Nation in dalkeeda ay u codeeyeen Amina islamarkaana wararka been abuurka ah ay tahay mala aan waxba ka jirin, oo ay wadaan dadka doonaya inay kharribaan xiriirka ka dhexeeya labada dal.

"Jamhuuriyada Jabuuti waxay doonaysaa inay u cadeeyaan dalka Kenya in aanu wadaagno xiriir ku salaysan kalsooni labada dhinac, wax walba oo kasoo baxa natiijada doorashooyinka," ayay tiri.

"Jamhuuriyada Jabuuti waxay taageereen musharaxnimada Kenya, halka Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf, uu wicitaan xushmad ah la sameeyay madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya, Mudane Uhuru Kenyatta, si ay u muujiyaan taageerada musharaxa gobolka.

Comments