Taliyayaasha Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) oo wajahaya cadaadis iyo ciidamadooda oo lagu sii baabi'inayo Soomaliya.

05 February 2017

Saraakiisha ugu sareeya Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) ayaa wajaheysa cadaadis dhanka dadweynha ka dib weerarkii labaad oo lagu dilay tiro badan oo ka mid ah ciidamada jooga Soomaaliya.

Khubarada Ammaanka iyo diblomaasiyadeed ayaa sidoo kale su'aalay Howlgalka Midawga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) iyo kaalinta Kenya ay ku leedahay.

Kenya waxay laheed laba Ujeedooyinka ugu muhiimsan marka ciidamadooda ay gudaha u gashay Soomaaliya bishii October 2011 - in laga ilaaliyo dalkooda weerarada Al-Shabaab iyo inay ku caawiyaan Soomaalida si ay u sameeyaan dowlad xoog leh caasimada dalka islamarkaana ay awood u yeelataa inay iska difaaci karaan xagjiriinta.

Tan iyo markaas, ma jirin guulo la taaban karo kuwaas oo la dhihi karaa waa la gaaray ujeedada istiraatiijiga ah iyadoo askar dheeraad ah oo Kenyan ah iyo dad rayid ah lagu dilay muddo ka dib Galitaanka.

Dhibaatadii ugu weyneed ee soo gaartay dadka rayidka ah waxay aheed inta lagu guda jiray weerarkii Westgate ee Nairobi sanadkii 2013 iyo weerarkii Gaarisa University College ee 2015.

Laakiin halkii sano oo la soo dhaafay, waxa uu bartilmaameedku noqday askarta Kenyanka ah ee Soomaaliya, kuwaasoo ay soo gaartay qaar ka mid ah khasaaraha dagaalka ugu cuslaa iyadoo in ka badan 200 la aaminsanyahay in laga dilay ama la dhaawacay - inkastoo KDF aysan wali shaacinin tirada rasmiga ah.

Bishii January 27, Kenya ayaa waxa ay askar badan oo dheeraad ah ku waayen markii dagaalyahanada Alshabaab ay weerareen xerada KDF ee Kulbiyow, iyadoo la isticmaalayo xeeladaha la mid ah kii ay ku dileen in ka badan 100 askari weerarkii El-Adde bishii January sanadkii la soo dhaafay.

Comments