Madaxweyne Farmaajo oo farriin shan qodob ka kooban u diray Wadamada Carabta

11 February 2017

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), ayaa Magaalada Muqdisho ku qaabilay Danjirayaasha Wadamada Carabta ee Somaliya iyo wafdi ka socday Ururka Jaamacadda Carabta.

Madaxweynuhu waxa uu ka guddoomay dhambaalo hambalyo ah oo ay uga sideen Madaxdooda, oo ay ku bogaadinayeen xilka loo doortay Arbacadii, waxayna ballanqaadeen inay garab istaagayaan dowladdiisa oo haysata taageerada shacabka.

Madaxweynaha Somaliya, ayaa uga mahadceliyay Safiirada iyo wafdiga Jaamacadda Carabta booqashada ay ugu yimaadeen, yididiilada ballaaran ee ay u muujiyeen iyo taageerada joogtada ah ee ay u fidiyeen Somaliya mudadii burburka, isaga oo sheegay in dowladdiisu ay hiigsaneyso hindisaha (Nabad iyo nolol), oo ah mid deganaansho looga hirgelinayo dalka, laguna abuurayo nolol wanaagsan iyo horumar muuqdo.

Madaweynuhu waxa uu baaq ka kooban shan qodob u diray Madaxda Wadamada Carabta, isagoo u sii marsiinaaya Safiiradooda iyo wafdigii metelayay Jaamacadda Carabta.

Qodobada Madaxweynaha, ayaa u qornaa sidatan:-

1- In loo fidiyo Soomaaliya gurmad degdeg ah si xad loogu yeelo abaarta lixaadka leh ee saameysay dadka, xoolaha iyo wax soo saarka beeraha. 
2- Taageeridda Istiraatiijiyadda amni ku soo dabaalidda dalka Soomaaliya . 
3- Taageeridda Qorshaha dib u heshiisiinta qaran ee Soomaaliya. 
4- In Dowladaha iyo Shirkadaha Carbeed ay maalgashi ballaaran ku sameeyaan Soomaaliya, lana horumariyo kaabayaasha dhaqaallaha dalka. 
5- In Dowladaha Carabta meel kasta oo joogaanba ay ku matalaan Soomaaliya, wakiilna ka ahaadaan, ilaaliyaanna xaqqeeda iyo mudnaanshaheeda.

1486778509a8e0c.jpg

1486778510be442.jpg

1486778511ff7f7.jpg

Comments