Qarax Khasaare geystay oo ka dhacay Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir

19 February 2017

Wararka inaga soo gaaraya Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay qarax gaari oo Khasaare gaystay. 

Qaraxan ayaa la sheegay inuu ka dhacay Degmada Wadajir, waxaana ku dhintay in ka badan 10 ruux oo dad shacab ah, kuwaasi oo ku sugnaa Suuqa Kaawo Godey Degmada Wadajir. 

Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa la sheegay inuu halkaasi ku qarxay, inkastoo aanan la ogeyn bartilmaameedka qaraxa inuu ahaa halkaasi iyo in kale. 

Sarkaal NISA ka tirsan ayaa xaqiijiyay geerida in ka badan 10 ruux oo shacab ah. 

“Qaraxa meesha uu ka dhacay ayaan joogaa dad badan ayaa meeshan yaala oo dhintay in ka badan 10 ruux ayaan hada u jeedaa meydkooda.” Ayuu yiri Sarkaalkaasi. 

Qaraxan oo aanan la ogeyn bartilmaameedkiisa inuu meeshaasi ahaa iyo inuu meel kale ahaa, ayaa goobtaasi waxaa tagay oo Baaritaano ka wada ciidamada NISA. 

Dadka dhintay oo dhan waa dad shacab ah oo ku sugnaa goobtaasi, maadaama Suuqa Kaawa godeey ay tahay meel ay dadka ka dukaameystaan. 

Comments