Axmed Madoobe oo kulan la qaatay Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynihii hore Xasan Sheekh (SAWIRRO)

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa xalay Magaalada Muqdisho kula kulmay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Somaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Axmed Madoobe ayaa Madaxweyne Farmaajo marka hore ugu Hambalyeeyay guusha uu ka gaaray doorashadii ka dhacday Magaalada Muqdisho.

Axmed Madoobe ayaa sidoo kale Madaxweynaha Dowladda Federaalka Somaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ku bogaadiyay in uu la yimaado isbadal iyo isla xisaabtan dhab ah.

Waxa uu sheegay in Maamulka Jubbaland ay diyaar u yihiin in ay la shaqeeyaan Madaxweynaha Cusub isla markaana ay diyaar u yihiin in dhinac walbo ay ka shaqeeyaan.

Dhanka kale Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” ayaa sidoo kale kulan gaar ah la qaatay Madaxweynihii hore ee Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Axmed Madoobe ayaa Xasan Sheekh Maxamuud ku amaanay hormarka uu Dalka gaarsiiyay iyo sida uu saaxiibka ula ahaa Madaxda Maamul goboleedyada Dalka ka jira.

Axmed Madoobe ayaa sidoo kale sheegay in Madaxweynihii hore ee Soomaaliya loogu baahan yahay in uu si dhaw ula shaqeeyo hogaanka cusub ee Dalka.

Faallooyin