Guddoomiye Jawaari: Maxaabiista aan la xukumin ee xabsiyada ku jira waa in deg deg dacwadahooda loo furaa

21 February 2017

Guddoomiyaha Golaha shacabka ee Somaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari,ayaa laamaha caddaaladda iyo xeer ilaalinta dalka faray in ay si deg deg ah Maxkamad u horgeeyaan Maxaabiista ku xiran Xabsiga dhexe ee Xamar. 

Guddoomiye Jawaari ayaa faray Madaxda Garsoorka in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u furaan gal dacwadeedka Maxaabiista ku jirta xabsiga si loo kala xukmiyo. 

Waxaa uu amray in maxkamadeyntaas kadib la siidaayo dadka aan dambiga lahayn ee mudada isaga xiran halkaas iyaga oo aan la xukumin. 

“Waxaan idin ku dhiiragelinayaa Taliyaha Asluubta iyo Xeer ilaaliyaha iyo maxkamada qof aanan xukuneyn ama aanan laheyn gal dacwadeed inuusan xabsiga ku jirin, muwaadinka xaqiisa iyo xuquuqdiisa in loo celiyo oo la baaro waaye.” Ayuu yiri Guddoomiye Jawaari. 

Maxamed Sh.Cismaan Jawaari,ayaa dhanka kale madaxda Xabsiyada ugu baaqay in ay si gaar ah isha ugu hayaan maxaabiista Dumarka ah oo ay aad ugu nuglaadaan.

Comments