Qarax lagu dilay ugu yaraan 20 qof caasimada dalka Afghanistan

07 February 2017

Ugu yaraan 20 qof ayaa lagu dilay weerar argagixiso oo qof ismaadaamin ah isku qarxiyay meel ka baxsan dhismaha Maxkamadda Sare ee caasimada Afghanistan ee, Kabul, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha dalkaasi.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha dalka Afghanistan, Najibullah Danish, ayaa sheegay in dembiilaha isqarxiyay, uu beegsaday shaqaalaha maxkamadda oo shaqada kasoo baxeen oo markaasi ku sugnaayeen meel wax yar u jirto albaabka laga galo dhismaha.

Waxa uu sheegay in qaraxa uu dhacay markii shaqaalaha ay fuulayeen baska si ay guryahooda u aadaan , isagoo intaa ku daray in ugu yaraan 48 kalena ay ku dhaawacmeen.

Wasaaradda Caafimaadka Afghan , oo sheegtay tirada khasaaraha nafeed markii hore, ayaa ku sheegay war qoraal ah in tiradaasi la filayaa in ay kici karto.

Waxaa sidoo kale uu sheegay in haween iyo carruur ay ka mid ahaayeen dhaawaca.

Dhismaha maxkamadda ayaa waxa uu ku yaalaa degmada Macroryan ee waddada aada Maddaarka Caalamiga ah ee Hamid Karzai iyo safaarada Maraykanka.

Comments