Ugu yaraan 20 milyan oo qof oo la soo gudboonaatay gaajo Bariga Afrika

08 February 2017

Ugu yaraan 20 milyan oo qof ayaa la soo gudboonaatay gaajo halka 11.2 million ay baahi wayn u qabaan cunnada ee Geeska Afrika taa oo sabab u tahay abaarta. Waxaana jirtay laba isku xigta oo xilliyada roobka oo aan roob fiican la helin sanadii 2016-ka.

Maalintii talaadada, Xoghayaha fulinta ee Urur-goboleedka IGAD, ayaa sheegay in abaarta ka jirta gobolka ay tahay mid walaac badan keentay.

Meelaha inta badan ay si xun u saameeysay abaarta ayaa ka mid ah Soomaaliya, Koonfurta-bari ee Itoobiya, Gobolada Waqooyiga, Bariga iyo Xeebta Kenya, iyo Waqooyiga Uganda.

"Meelaha qaarkood ee Koonfurta Sudan iyo Jabuuti ayaa waxaa ka jirtay marxaladdaha deg-deg ah," ayuu yiri xoghaya oo la hadlaya warbaahinta.

Sida laga soo xigtay Mr Maalim, tirada dadka soo food saartay dhibaatada iyo xaalada degdeg ah ayaa haatan gaaray 17 million. halka Soomaaliya ay tahay 2.9 million qof , Itoobiya 5.6 million , 2.7 milyan oo Kenya iyo inta kaleUganda iyo Koonfurta Sudan.

Agaasimaha Gobolka Bariga iyo Bartamaha Africa ee Barnaamijka Cuntada Adduunka, Valerie Guarnieri ayaa sheegay in in ka badan 11.2 million oo qof ay u baahanyihiin gargaar cunto oo degdeg ah.

Comments