Nigeria: Militariga oo dilay in ka badan 30 xoogaga Boko Haram, halka 7 askari eey ku dinteen dagaalka

11 February 2017

Dagaal xoogan oo dhex maray ciidamada Nigeria iyo Boko Haram ee gobolka Borno jimcihii ayaa waxa ku dhintay in ka badan 30 ka mid ah argagixisada , iyo toddoba askari oo Nigerian, sida lagu sheegay wargayska Vanguard.

Afhayeenka Guutada 7 aad, ee militiriga Nigerian , Lt. Col Kingsley Samuel ayaa xaqiijiyay dhimashada todoba askari iyo 19 ku dhaawacmeen islamarkaana loo daadgureeyay isbitaalka.

War qoraal ah oo uu soo saaray afhayeenka ayaa lagu sheegay; "Ciidamada hawlgalka Lafiya Dole ayaa dagaal xoogan dhex maray iyaga iyo kooxda Boko Haram oo weerar gaadmo ah wadada u galay ciidama nawaaxiga Ajiri-Dikwa, ee gobolka Borno.

"Ciidamada ayaa la kulmeen dagaalyahanada weerarka gaadmada halka oo ciidamada ay samaynayeen wareeg joogta ah habeenki.

"Ciidamada geesiyaasha ayaa la diriray iyagoo dilay tiro badan oo argagixisada ah ayuu raaciyay afhayeenka.

Comments