Donald Trump oo ku jahwareersan caqabadaha ka haysta sidii u maamuli lahaa Aqalka Cad.

11 February 2017

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku wareersan caqabadaha ka haysta sidii u maamuli lahaa Aqalka Cad, sida ay sheegeen kalkaaliyayaashiisa iyo xulafadooda.

Madaxweynaha cusub oo dabeecadiisa aheed mid layaab leh ayaa isku badashay mid cadha badan isagoo wajahaya xaqiiqada la saadaalin karo oo ah dowladda Mareykanka oo aan loo maamuli karin sida ganacsigiisa, sida ay warbaahinta sheegtay iyagoo xiganaya dad badan oo la kulmay Trump seddexdii isbuuc ee lasoo dhaafay tan iyo markii loo dhaariyay xilka.

Trump ayaa hada ku jahwareersan maamulka dawlada oo uu haysta mid sida ganacsiga u fudud, ayay sheegeen kuwa u dhow madaxweynaha, oo intooda badan codsaday inaan la magacaabin.

Waxa ay sidoo kale sheegeen Trump inuu noqday mid aad uga careysan xafiisyada federaalka, dib u dhaca Kongareeska ee magacaabidda golihiisa iyo xukunka maxkamada ku joojisay sharcigiisa muranka dhaliyay ee socdaalka.

Comments