Iskuulada gobollada Anglophone ee Ingiriiska ku hadla ee Cameroon oo weli xiran iyadoo dhibaatada ay sii xoogeysanayo dalkaasi.

03 February 2017

Dugsiyo badan ee gobolka Ingiriiska ku hadla ee Cameroon ayaa weli xiran iyadoo xiisadaha u dhexeeya gobolada Francophone iyo Anglophone uu sii xumaanayo.

Gobollada Ingiriisi ku hadla ayaa sheegay in ay siyaasad ahaan iyo dhan dhaqaaleba ay gacan bidixaysay dowladda Francophone ee Faransiiska ku hadla. In ka badan 100 qof ayaa la xiray halka hal qof lagu dilay bishii November sanadkii la soo dhaafay magaalada waqooyi-galbeed ee Bamenda, ka dib maalmo dibad baxyo rabshado wata oo ku aaddan arrinta.

Luuqada Faransiiska ayaa lagaga hadlaa sideed ka mid ah 10 ka gobol ee Cameroon iyo luuqada English ka gobollada waqooyi-galbeed iyo koonfur-galbeed. Magaalada Kumba, oo ah magaalada labaad ee ugu weyn ee Cameroon oo looga hadla Ingiriisiga , waxaa ka jira dhaqdhaqaaqa dhaqaale oo yar ka dib markii dibad bax ka bilaawday laba bilood ka hor ee qareenada iyo macalimiinta, oo ka mudaaharaadaya eexashada iyo gacanbidixeenta ay ku eedeeyeen dawlada dalka Cameroon oo Faransiiska intooda badan ku hadla.

Kuwa ku nool gobolka Anglophone ayaa ka cabanaya in dukumentiyada rasmiga ah had iyo jeer waa Faransiis iyo in kala duwanaanshaha luqadda ay caqabad ku noqotay inay helaan shaqooyinka dawladda ugu badan.

Comments