Kuuriyada Waqooyi oo tijaabisay gantaalka ballistic iyo Maraykanka oo doonaya inay ka fogaadaan xiisadaha colaad.

Kuuriyada Woqooyi ayaa ku tuuray madfaca nooca ballistic missile dhanka badda maalintii axada, tijaabadii ugu horeysay tan iyo markii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump la doortay.

Maamulka Trump ayaa sheegay in Washington ay arintan ka bixin doonto "jawaab taxadar leh si looga fogaado xiisadaha sii kordhaya.

Gantaalka la tijaabiyay ayaa u badantahay inuu ahaa nooca heerka dhexe- ee loo yaqaano Musudan, kasoo ku dhacay Badda Japan, sida ay sheegeen ciidamada militiriga Koonfurta Korea, mana aheen nooca ridada dheer ee gantaalaha (ICBM) oo awood u leh inuu gaaro qaaradaha fog, kaas oo Waqooyiga Kuriyada ay sheegeen in ay tijaabin karaan wakhti kasta.

Waa tijaabadii ugu horeysay ee ay sameeyaan tan iyo markuu xafiiska la wareegay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo wacad ku maray in laga bixin doono "jawaab wax ku ool ah dalka Waqooyiga Korea oo sanadkii la soo dhaafay tijaabiyay aaladaha nuclearka iyo gantaalada ee heerka aan horay loo arag oo xadgudub ku ah qaraarkii Qaramada Midoobay.

Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in maamulka Trump ay filanayeen dhirifka iyo carada" North Korea sida ugu dhaqsaha badan ka dib markii uu xafiiska qabtay islamarkaana ay ka fiirsan doonaan jawaabta ku haboon tallaabadaasi, laakiin waxaa si taxadar leh loo xallin doona arinta si looga fogaado xiisadaha sii kordhaya.

Faallooyin