Luis Suarez oo racfaan ka qaatay kaarka casaanka ah ee la siiyay kulankii Copa del Rey ee Barcelona iyo Atletico Madrid

08 February 2017

Luis Suarez ayaa rajeynaya inuu racfaan ka qaato kaarkii casaanka ahaa ee xalay loo taagaykulankii ay xalay la ciyaareen kooxda Atletico Madrid ee uu ku seegi lahaa finalka Copa del Rey .

Gooldhaliyaha Barcelona ayaa ka carooday in casaankii ugu horeeyay ee waayihiisa Barcelona uu noqdo mid uu ku seegayo finalka Cope Del Rey wuxuuna si caro leh saxaafada ugu sheegay in garsooraha uu doonayay inuu casaan siiyo.

Suarez ayaa dhaliyay goolka muhiimka ahaa ee kooxdiisa u xaqiijiyay finalkooda kulan sadex casaan la qaatay oo ku soo dhamaaday 1-1 taasoo la macno ah in Barca ay wadar ahaan ay ku adkaatay 3-2.

Suarez ayaa ku calaacalay inuusan suxul ku dhufan Koke laakin garsooraha uu doonayay inuu ciyaarta ka saaro wuxuuna yiri “Waxay igu kalifeysaa inaan qoslo, waxay u muuqatay in garsooraha uu doonayay inuu ciyaarta iga saaro” ayuu Suarez u sheegay Gol Television.

“Waan arki doonaa hadii aan kaarkii labaad ee huruuda ahaa aan racfaan ka qaadano sababtoo ah xitaa qalad ma aysan aheyn laakin horeyba waan u sii ogeyn sida ay waxyaabaha ku socdaan” ayuu yiri Suarez oo raacay wadadii Gerard Pique ee aflaagadeynta garsooreyaasha Spain.

Comments