Xidigii hore ee kooxda Arsenal Thierry Henry oo niyad jabiyay jamaahiirta ka rajo dhigay tababaraha Gunners ee Arsene Wenger.

Halyeyga Arsenal Thierry Henry ayaa aaminsan in tababare Arsene Wenger uu baaqi kusii ahaan doono kooxda, balse wuxuu si cad u qiray in dhibaato dhanka maskaxda ay heysato ciyaartoydiisa.

Inkastoo ay haatan ka hooseyso hogaanka horyaalka 12-dhibcood, hadana Gunners waxey sugeysaa iney hanato horyaalkii ugu horeeyay tan iyo sanadkii 2004, waxeyna u muuqataa in habaarkaas uu sii socon doono xagaagan.

Wax badan ayaa laga hadlay waxa ku xeeran Arsene Wenger kaas oo 1996 kooxda ka dhisan waqooyiga London majaraheeda qabtay balse wuxuu waqtigaan wajahayaa cadaadis iyo dhaleeceeno kaga imaanaya Jamaahiirta.

Si kastaba Henry oo laba horyaal kula guuleystay Arsenal ayaa dareensan ineysan jirin sabab muuqata oo heshiiska loogu kordhin waayo Arsene inkastoo wixii ka dhacay Stamford Bridge ay aheyd niyad jab weyn.

“Shaqsi ahaan, uma maleynayo in Arsene Wenger uu baxayo” Ayuu yiri Henry oo la hadlayay RMC.

“Miyuu heystaa fursad uu ku badalo xeeladiisa ama uu wax uun ku sameyn lahaa?

ma garanayo hadii uu rajeynayo inuu sidaas sameeyo” “Balse shaqada uu hadda haayo waa mid adag sababtoo ah waa shaqo maskaxeed.

wixii aan arkay kulankii Chelsea waa dhibaato dhanka maskaxda ah. mana sahlana in la maareeyo”

Faallooyin