Koobka Adduunka ee kubada cagta oo la ballaarin doono ilaa 48 kooxood ee 2026

Golaha sare ee FIFA ayaa u coddeeyay in 48-xul laga dhigo koobka adduunka wixii ka bilowda sanadka 2026 halka uu markii hore ahaa 32-dal codeyn maanta ka dhacday Zurich.

Qorshahan uu keenay madaxwaynaha FIFA Gianni Infantino ayaa la micno ah in koobka adduunka uu iminka noqon doono 16-group oo ka kooban min saddex kooxood.

Labada ugu sarreysa group kasta ayaa u soo gudbi doonta wareega kala baxa ee 32-aad, waxaa jiri doona 80-kulan, halka uu markii hore ahaa koobka adduunka 64-kulan maadaama uu xulalka ahaayeen 32-xul, laakiin guuleystayaasha waxay ugu dambeyn ciyaari doonaan uun 7-kulan.

Waa markii ugu horreysay oo la kordhiyo koobka adduunka tan iyo 1998.

Faallooyin