Zidane oo noqday tababaraha ugu fiican Fransiiska ee sanadka 2016

Zidane oo noqday tababaraha ugu fiican Fransiiska ee sanadka 2016 10 January 2017

Tababaraha kooxda Real Madrid ee Faransiiska Zinedine Zidane ayaa guul ku bilaabay waayihiisa Tababarenimo sidii uu horey ugu guuleystay waayihiisii Ciyaartooy, taas oo keentay in sanadkii dhammaaday ee 2016 uu guulo wax ku ool ah u horseeday Real Madrid isagoo la qaaday 3 Koob oo waaweyn.

Wargeyska ‘France Football Magazine’ ayaa Laacibkii hore ee Faransiiska Zinedine Zidane u magacaabay Macallinka Sanadka 2016 ee Waddanka Faransiiska ‘Meilleur entraîneur français de l’année 2016’, waxaana Zizou abaalmarintan uu kala wareegayaa Tababarihii hore ee Paris Saint-Germain ee Faransiiska Laurent Blanc oo 2015 qaatay macallinkii ugu fiicnaa.

Zidane oo 44 sano jir ah ayaa 1998 Faransiiska u qaaday Koobkii Adduunka, waxaana haatan 55 kulan oo uu tababare u yahay Real Madrid tan iyo markii uu hoggaankeeda qabtay 04 Janaayo 2016 laga adkaaday 2 jeer oo qura.

Tababare Zidane waxa uu Real Madrid ku hoggaamiyay 3 Koob oo waaweyn (Champions League, European Super Cup iyo Koobka Adduunka ee Naadiyada -Club World Cup).

Comments