Liverpool 0-0 Plymouth: Reds oo lagu qasbay kulan ku celis ah FA Cup

Liverpool 0-0 Plymouth:  Reds oo lagu qasbay kulan ku celis ah FA Cup 08 January 2017

Kooxda kubadda cagta Plymouth Argyle ayaa ku qabtay barbaro goolal la'aan ah kooxda Liverpool kuna qasbay inay kulan ku celis ah la soo ciyaaraan kooxda wareega seddexaad ee FA Cup.

Liverpool ayaa ku bilawday ciyaarta laacibeenteeda da'ada yar qeybtii hore ee ciyaarta garoonka Anfield kuwaas oo aan abuurin fursado badan oo la taaban karo.

Macallin Klopp ayaa ku qasbanaaday inuu bedel ku soo galiyo ciyaarta Daniel Sturridge, Roberto Firmino iyo Adam Lallana, laakiin natiijada ciyaarta waxba kama bedelin, kulanka ayaana ku soo dhammaaday barbaro 0-0.

Liverpool ayaa kubbad haysashada ku wanaagsanayd  laakiin taasi uma suuro gelin inay gool dhaliyaan, waxaana loo baahday kulan ka bax ah oo ku celis ah maadaama labadan kooxood la doonayo inay midi u soo gudubto wareegga afaraad ee FA Cup.

Waa kulankii afaraad oo xiriir ah ah ee Liverpool ay barbaro gool la’aan ah ku gashay garoonka Anfield kulamada FA Cup, waxayna Reds safar dheer u gali doontaa kulanka ku celiska ah ee FA Cup wareeggiisa saddexaad oo ay booqan doonaan naadiga Polymouth.

Comments