Chelsea 4-1 Peterborough: John Terry oo casaanka la tusay iyo Blues oo si fudud ugu gudubtay wareegga afaraad ee FA Cup

Chelsea 4-1 Peterborough:  John Terry oo casaanka la tusay iyo Blues oo si fudud ugu gudubtay wareegga afaraad ee FA Cup08 January 2017

John Terry ayaa lagu soo dhaweeyay kaarka casaanka isagoo ku soo laabtay safka hore ee kooxda Chelsea iyadoo Blues ay guul wayn ka gaartay Peterborough United una soo gudubtay wareegga afaraad ee FA Cup, kaddib markii ay 4-1 ku adkaadeen..

Kabtanka kooxda ayaa la siiyey casaan ka dib markii uu qalad ku galay Weeraryahanka posh, Lee Angol daqiiqadii 66aad, inkastoo kooxda martida loo ahaa ay u badneed inay gulaysanayaan.

Chelsea ayaa goolka hore la timid 18’daqiiqo waxaana u dhaliyey Pedro Rodriguez, waxanaa inta aan la aadin qeybta nasashada goolka labaad ee Blues dhaliyey 44’daqiiqo Michy Batshuayi, markii kubbad la siiyey isagoo taagan bartamaha xerada ganaaxa uu laad xoog leh daanta midig goolka ka suray, kulanka ayaana lagu kala nastay Chelsea oo ku gacan sarreysay 2-0.

Qeybti labaad ee ciyaarta markii dib la isugu soo laabtay kooxda Chlsea ayaa hoggaanka sii dheereysatay, waxaana goolka saddexaad u dhaliyey 52’daqiiqo Willian, markii uu shabaqa gaarsiiyey kubbad uu ka soo tuuray afka hore ee goolka Peterborough, kulanka ayaana sidaas ku noqday 3-0 ee ay gacanta sare ku lahayd Blues.

Kooxda Peterborough ayaa la timid gool koowaad ee ciyaarta waxaana kubbad ay si fiican isugu dhiidhiibeen si wacan u dhammaystiray 70’daqiiqo Tom Nicholls, kaasoo kulanka ka dhigay 3-1 wali ay ku gacan sarreysay Blues.

Kooxda Chelsea ayaa goolka afaraad la timid waxaana markale shabaqa soo taabtay oo dhaliyey goolkiisa labaad ee kulankan 75’daqiiqo Pedro Rodriguez,  sidaas ayeyna ciyaartu kusoo dhammaatay oo chelsea ay ku badisay 4-1

Comments