Watford 1-4 Tottenham: Harry Kane iyo Dele Alli oo u laba labeeyay Hornets

Watford 1-4 Tottenham: Harry Kane iyo Dele Alli oo u laba labeeyay Hornets01 January 2017

Kooxda Tottenham Hotspur ayaa 4-1 ku xaaqday kooxda Watford oo ay marti u aheed islamarkaana sii xoojistay si ay ula tartamaan kooxaha sare ee Premier League.

Laacibiinta heer caalamiga ah ee England Harry Kane iyo Dele Alli ayaa labada dhaliyay labo gool iyadoo kooxda martida ah ay isku sii kululeysay kulanka weyn oo gurigooda ay ku casuumi doonaan kooxda Chelsea habeenka arbacada iyagoo si style ah ku bilawday sanadka cusub.

Inkastoo Younes Kaboul daqiiqadihii ciyaarta lagu daray hal gool usoo celiyay Hornets, Tottenham ayaa weli sii kordhistay farqiga goolasha ee +23 ka dib markii ay dhaliyeen afar jeer laba kulan oo asku xiga oo a y garoonkooda ka maqnaayeen horyaalka PL markii ugu horeysay tan iyo 1960-kii.

Comments