Pep Guardiola oo sheegay in Man City ay ku guuleysan karto horyaalka inkastoo foomka Chelsea uu adagyahay

Pep Guardiola oo sheegay in Man City ay ku guuleysan karto horyaalka inkastoo foomka Chelsea uu adagyahay01 January 2017

Pep Guardiola ayaa qirtay in farqiga u dhaxeeya Manchester City iyo Chelsea uu "weyn yahay ", laakiin waxa uu weli ka rajo dhigin inay soo qabtaan kooxda hogaanka haysa ee Premier League.

Rajadii City ee horyaalka ayaa dib u dhac kale ku yimid habeenka sanadka cusub markii 1-0 ay ku garaacday kooxda Liverpool islamarkaana 10 dhibcood ay ka dib mareen kooxda Chelsea.

Kooxda Antonio Conte ayaa ku jirtay qaab ciyaareed cajiib ah bilihii la soo dhaafay iyagoo ku gulaystay 13 kulan oo isku xigta ee horyaalka, laakiin Guardiola ayaa diyaar u aheen inuu si fudud tartanka uga haro.

"Marka aad ku guuleysato 12 ama 13 kulan oo isku xigta, in dhibco aad lumiso ma fududa," ayuu yiri Guardiola. "Farqiga waa uu weynyahay , sababtoo ah way shaqaysteen weyna u qalmaan in ay halkaas gaaraan.

Markii ciyaaraha aan lagaa guulaysan waa sida tan ayuu yiri.

Comments