1-0 Liverpool Manchester City, Georginio Wijnaldum oo qalbiga ka jabiyay City

1-0 Liverpool Manchester City, Georginio Wijnaldum oo qalbiga ka jabiyay  City31 December 2016

Liverpool ayaa si heer sare ah ku soo gabagabeeyay sanada 2016 iyadoo kooxda Jurgen Klopp ay guul 1-0 ah ka gaartay Manchester City islamarkaana ay soo yareeyeen farqiga kooxda hogaaminaysa Premier League Chelsea oo lix dhibcood ka horaysa.

Georginio Wijnaldum ayaa madax ku dhaliyay daqiiqadii sideedaad-goolkaasoo Reds ugu filnaaday in ay Man City iyo macalinkooda Guardiola dhulka ku dhigaan, waxayna Reds sii xejisatay kaalinta labaad ee PL iyada oo ah kooxda wali culayska ku sii haysa Chelsea.

Tani waxa ay ahayd guushii afaraad oo isku xigta Liverpool waxayna ka dhigan tahay hadda in aan laga badin 17 kulan ee ugu dambeeyay Premier League gurigooda (11- 6) .

Dhanka kale, guuldaradii City, kuwaas oo ku guuldareystay inay tijaabiso Simon Mignolet oo dadaal macno leh sameeyay, ayaa 10 dhibcood ka danbeeyaan kooxda Chelsea ee tartanka horyaalka iyo kaliya seddex ka horeeyaan kooxda ay xafiiltamaan ee Manchester United.

Comments