Man Utd 2-1 Middlesbrough: Anthony Martial iyo Paul Pogba oo laba gool oo soo daahay ku helay guul lama filaan

Man Utd 2-1 Middlesbrough: Anthony Martial iyo Paul Pogba oo laba gool oo soo daahay  ku helay guul lama filaan 31 December 2016

Manchester United ayaa labo gool labo daqiiqo qeybtii labaad dhaliyay islamarkaana 2-1 ku garaacday Middlesbrough ee garoonka Old Trafford kulanka Premier League.

Kooxda Middlesbrough oo looga cabsanayay in goolka furitaanka laga dhalin doono ayaa Manchester United kaga yaabsatay goolka furitaanka kulankan waxaana Red Devils xaalada ku sii xumeeyay Grant Leadbitter kaas oo caawin ka helay Álvaro Negredo waxayna ciyaartu noqotay 1:0 ay Boro ku heshay goolka furitaanka ee ay Man United awoodi wayday.

United oo hal gool looga horeeyo iyadoo ay shan daqiiqo ka harsan tahay, ayaa Anthony Martial barbareeyey darbo ka timid gudaha aagga, ka hor inta uusan madax ku dhalinin goolka guusha Paul Pogba oo ka xaday kooxda martida aheed seddex dhibcood daqiiqado ka dib.

Natiijadan ayaa waxa ay siinaysaa United guushii shanaad Premier League oo isku xigta oo ay ku soo afjareen 2016 heer sare.

Comments