Eden Hazard oo sheegay in kooxda chelsea ee marayso marxaladii ugu fiicneed

Eden Hazard oo sheegay in kooxda chelsea ee marayso marxaladii ugu fiicneed30 December 2016

Eden Hazard ayaa aaminsan in kooxda haatan ee Chelsea ay ka fiican tahay kooxdii ku guuleysatay Premier League ee 2015. Kooxda Antonio Conte ayaa hoogaaminaya miiska kala sareenta Premier League oo ay lix dhibcood ku horeeyaan waxa ay raadin doonaan inay ka dhigaan 13 guul oo isku xigta sabtida marka ay wajahayaan kooxda Stoke City.

Chelsea ayaa ku guuleysatay horyaalka 2014/15 markaa uu maamulayay Jose Mourinho islamarkaana ay ku badiyeen sideed dhibcood iyadoo Hazard kaalin muhiim ah ka qaatay oo ku guuleystay abaalmarinta PFA ee sanadkaas.

Markii la weydiiyay hadii tababaraha Conte kooxdiisa ay tahay kooxda ugu fiican Chelsea ee uu ciyaaray, laacibka ree Belgium, kaasoo kusoo biiray kooxda 2012, ayaa yiri: "Haa, sababtoo ah waxaan ku guuleysanay kulan kasta waxaana leenahay kalsooni buuxda!.

"Waxaan isku dayeenaa in aan sameeno wax aan horay u samaynin . Waxaan dhalinaa goolal." Chelsea ayaa ku guuleystay rikoor 12 kulan oo isku xigta ee horyaalka iyagoo 3-0 kaga badiyeen Bournemouth maalintii Boxing Day.

Comments