Nigeria: Wasiirka Warfaafinta oo sheegay in dhaqaalo xumada jirta ay keentay in la siin waayo gunooyinka ciyaartoyda ka tirsan kooxda Super Falcons.

Wasiirka Warfaafinta iyo Dhaqanka, Nigeria Alhaji Lai Mohammed ayaa sheegay in xaaladda xun ee dhaqaale dalka laga yaabaa inay sabab u tahay in la siin waayo lacagaha gunnooyinka ciyaartoyda ka tirsan kooxda Super Falcons.

Xubnaha ka mid ah xulka Nigeria ee Super Falcons oo dhawaan ku guulaystay koobka kubada cagta dhawaan lasoo gabagabeeyay ee African Women Cup of Nations ee lagu qabtay wadanka Cameroon, ayaa wuxuu yidhi, iyagu ma sii daayn doonaan koobka ilaa Xiriirka Kubadda cagta Nigeria (NFF) ay bixiyaan dhamaan gunnooyinka lagu leeyahay.

Waxaana ay sheegeen in NFF ay ku leeyihiin dayn kor u dhaafeesa N238.05million (in ka badan $ 7m) lacagta oo ururtay muddo dheer.

Qaar ka mid ah ciyaartoyda ayaa sheegen NFF ay ku leeyihiin ciyaartooy kasta oo ka mid ah 23 ciyaaryahan ugu yaraan $ 25,000.

Ilo wareedyo ayaa shaaca ka qaaday in ciyaartoyda loo soo bandhigay N50,000 mid kasta oo ay diideen, iyagoo dalbanayaan dhammaan gunnooyinka ay ku leeyihiin in la siiyo.

Faallooyin