IMF oo sheegtay Somaliya inay ka caawinayaan soo daabicista lacag cusub oo Shilin Somali ah

20 February 2017

Sanduuqa caalamiga ah ee lacagta ee IMF,ayaa sheegay in dowladda Somaliya ay ka caawinayaan daabacaada lacag cusub kaddib rubuc qarni oo aysan Somaliya  helin lacag cusub. 

Lacagaha cusub ee ay Somaliya daabacaneyso ayaa la filayaa in ay tartan geliyaan lacagta doolarka ah,waxaana ay beddeli doontaa lacagaha duuga ah ama kuwa been abuurka ah  ee la daabacay intii uu bur burka jiray,sidaas waxaa sheegtay Samba Thiam oo ah Madaxa IMF ee Somaliya. 

Samba,waxa ay sheegtay in 98% lacagta hadda taalla Somaliya ee shilin Somaliga ay tahay been abuur,2% kaliyana ay tahay lacagta saxda ah taas oo iyadaba duugowday una baahan beddel deg deg ah. 

Qiimeynta Bangiga Adduunka ee waddamada ugu faqrisan dunida ayey Somaliya uga jirtaa kaalinta 5-aad,waxaana qof kasta oo Somali ah  sanadkiiba soo gasha lacag dhan $435 doollar cel celis ahaan. 

Lacagta cusub ee la soo daabacayo ayaa ujeedadeedu tahay in Bangiga dhexe ee Somaliya uu soo ceshado awooddiisa maaliyadeed si uu u dejiyo siyaasadda lacagta ee Soomaaliya.

Comments