Saraakiisha Gedo oo ku dhawaaqay duulaan ka dhan ah Degmada Saakow oo Shabaab ay joogaan

Ciidamada Xooga dalka Somaliya ee ku sugan Gobolka Gedo, ayaa shaaca ka qaaday inay diyaariyeen qorshihii ay ku weerari lahaayeen Degmada Saakow oo ka tirsan Gobolka Jubbada Dhexe oo Shabaab ay gacanta ku hayaan. 

Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay Degmada Baardheere inay ka weerarayaan Saakow, si gacanta Ururka Al Shabaab looga saaro halkaasi. 

Taliyaha guutada sagaalaad ee ciidanka Xooga dalka Somaliya Gobolka Gedo Gaashaanle Maxamed Cadow Cali,m ayaa suxufiyiinta ugu sheegay Magaalada Baardheere in la diyaariyay ciidamadii weerari lahaa Saakow. 

“Saakow runtii meel fiican ayeey mareysaa caqabad badan oo hada ka jirta malahan isha ayaan ku haynaa dhinaca Sirdoonka aadbaan ula socona, Insha Allah mar dhaw ciidamada waa ay dhaqaaqi doonaan Saxaafadda qayb ayeey ka noqon doontaan.” Ayuu yiri Taliyaha.

Taliyaha ayaa sidoo kale ugu baaqay dadka ku nool Gobolka Gedo inay ka shaqeeyaan sidii ciidamada ay ugu gacan siin lahaayeen dagaalka Shabaab.

Faallooyin