Donald Trump oo mar kale weerar afka ah ku qaaday dadka Somaliyed

Madaxweynaha dowladda Mareykanka Donald Trumo ayaa ku difaacay go’aankii lagu joojiyay Qaxootiga ka imaanaya 7 dal oo ay Somaliya ay ka mid tahay .

Waxaa uu tilmaamay dadka ka imaanaya dalalkaasi in ay yihiin kuwo wata fekero xun oo Caqabad ku ah Mareykanka.

Waxa uu sheegay in Mareykanku uu doonaya in uu sameeyo horumaro kala duwan , laakiin dadkaasi ay caqabad ku yihiin horumaradaasi.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale tilmaamay in go’aanka lagu joojiyay Qaxootiga  ka imaanaya dalal ay ka mid tahay Somaliya in uu yahay mid hirgalaaya , islamarkaana aan laga laaban doonin.

Kooxaha u doodaha Xuquuq Aadanaha iyo xubnaha ka tirsan Baarlamaanka dalkaasi ayuu ku eedeeyay in ay xagal daacinaayaan go’aankiisa.

Mar uu difaacayay amarkii uu Maraykanka kaga mamnuucayay dadka ka yimaada 7 dal oo Muslim ah, ayaa waxa uu yiri “Dalkeena uma rabno dad fekera xun wata.”

horay ayaa Amar uu soo saaray Donald Trump waxaa uu sameyn ku yeeshay dadka ka imaanaya 7dal oo Muslimiin ah , waxaana dalalkaasi ka mid ah Soomaaliya.

Faallooyin