Kenya oo gacanta ku dhigtay labo ruux oo Daacish lala xiriiriyay

Ciidamada Booliska dalka Kenya ayaa Magaalada Mombasa ku xiran labo qof oo si weyn ay u baadigoobayeen , islamarkaana la aamin san yahay in ay xiriir toos ah ay la leeyihiin Al-Shabaab iyo sidoo kale kooxda Daacish. 

Labada qof ee ay xireen Ciidamada Booliska ayaa la sheegay in ay u safreen dalka Suuriya oo ay dib uga soo laabteen , islamarkaana ay kasoo qeyb qaateen dagaallo ka dhacay dalkaasi sida ay sheegeen Saraakiisha Ammaanka dalka Kenya. 

Labada qof mid ka mid ah ayaa ah Haweenay waxaana lagu Magacaabaa Nasra Hyder Faiz waxaana la sheegay in ay dhalatay 1991 dii , islamarkaana ay kasoo qeyb qaadatay Weeraro Argagixiso oo ka dhacay dalka Kenya. 

Salim Mohamed Rashid oo dhashay 1996 ayaa sidoo kale la sheegay in uu u safray dalka Suuriya oo uu kasoo barbar dagaalamay Kooxda Daacish. 

Dowladda Kenya ayaa sidoo kale sheegay in ay suurtagal tahay in wiilkaan  iyo Gabadhaan ayaa sidoo kale doonayay in ay Tashkiiliyaan dhalinyarada Doonaysa in ay ku biiraan Al-Shabaab iyo sidoo kale Daacish.

Comments