Madaxweyne Farmaajo oo Danjire Cali Saciid Fiqi u magacaabay Agaasimaha Madaxtooyada

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), ayaa magacaabay xilalkii ugu horeeyay, oo ku aadan Aqalka Madaxtooyada ee Villa Somalia.

Madaxweynaha, ayaa qoraal ku magacaabay Danjire Cali Saciid Fiqi in uu noqdo Agaasimaha Madaxtooyada Somaliya.

Madaxweynaha Somaliya, ayaa Xuseen Macalin Maxamuud u magacaabay La taliyaha ammaanka ee Madaxweynaha.

Sidoo kale Madaxweynaha, ayaa qoraalkan ku magacaabay Siyaad Maxamuud Shire in uu noqdo Madaxa Hab Maamuuska ee Madaxtooyada Somaliya.

Faallooyin