Saddex ruux oo aano qabiil loogu dilay Gobolka Shabellaha Dhexe

Saddex ruux ayaa lagu dilay Gobolka Shabellaha dhexe, kadib markii dabley hubaysan ay dileen dadkaan oo ku sugnaa duleedka deegaanka Aadan Yabaal ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Dadka la dilay, ayaa la sheegay dilkooda inuu salka ku haayo arimo ku aadan aanooyin qabiil, waxaana la sheegay dadkii dilkaasi ka dambeeyay inay goobta ka baxsadeen.

Dadka deegaanka ayaa sheegay inay goobtaasi ka taagan tahay xiisad colaadeed oo u dhaxeysa labo maleeshiyo beeleed, taasi oo ka taagan duleedka Degmada Aadan Yabaal.

Maamulka Gobolka Shabellaha Dhexe weli kama aysan hadlin dilkaan loo geystay saddexda ruux.

Dilalka salka ku haay aanooyinka qabiilka ayaa waxa ay ka dhacaan Gobolka Shabellaha Dhexe.

Faallooyin