Lacago dheeraad ah oo lagu soo rogay dadka ka dhoofaya Garoonka Aadan Cadde

Waxaa lacago dheeri ah lagu soo rogay dadka ka dhoofaya Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, sida ay sheegeen saraakiil ka howlgasha Garoonka.

Maareeyaha Garoonka Aadan Cadde General Cabdi Ashkir Jaamac ayaa ayaa  sheegay in lacago dheeri ah lagu soo rogay dadka ka dhoofaya Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale General Cabdi Ashkir Jaamac Maareeyaha Garoonka Aadan Cadde ayaa sheegay sababta arrintan loo sameeyay in ay tahay sidii lacago loogu uruurin lahaa Dadka ay Abaaraha saameeyeen.

Maareeyaha Garoonka General Ashkir ayaa sheegay in dadka ka dhoofaya Garoonka Aadan Cadde una socdaalaya Gobalada Dalka laga qaadayo lacag dhan 5 Dollar, halka dadka kale ee u safraya meel dalka ka baxsan laga qaadayo 10 Dollar, waxaana arrintan ay socon doontaa mudo 3 bilood ah.

Abaaraha ka jira Dalka ayaa waxa ay yihiin kuwo aad u daran, waxaana Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada Hoose ay wadaan dadaalo dadkan lagu bad baadinayo.

Faallooyin